Jan 29(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada New Delhi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Mudane Dr. Subrahmanyam Jaishankar, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka.
Wasiir Cabdisalaam ayaa muujiyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.










