Jan 31(Jowhar)-Ugu yaraan 12 qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo kala badhkood ay carruur yihiin, ayaa lagu dilay duqayn ay Israel ka fulisay waqooyiga Qasa tan iyo waaberigii maanta, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Qasa oo la hadlay Al-Jazeera.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in ugu yaraan 524 Falastiiniyiin ah ay dileen ciidamada Israel tan iyo bishii Oktoobar, xilli ay dhaqan-gashay xabbad-joojin uu Mareykanku dhexdhexaadiyey oo u dhaxaysa dhinacyada.
Duqaymaha iyo khasaaraha soo kordhaya ayaa weli walaac xooggan ka muujinaya xaaladda bini’aadantinimo ee Qasa, iyadoo baaqyo caalami ah ay sii xoogeysanayaan si loo joojiyo colaadda loona ilaaliyo rayidka.
tan iyo bishii Oktoobar, xilli ay dhaqan-gashay xabbad-joojin uu Mareykanku dhexdhexaadiyey oo u dhaxaysa dhinacyada.