Monday, February 2, 2026
Home NEWS Wasiirada Arrimaha Dibadda Sucuudigq iyo Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay

Wasiirada Arrimaha Dibadda Sucuudigq iyo Itoobiya oo kulan gaar ah yeeshay

74

Feb 02(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Faysal Bin Farxaan, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Itoobiya, iyagoo ka wada hadlay isbedellada iyo xaaladda amni ee ka jira gobolka, gaar ahaan arrimaha saameynta ku leh Geeska Afrika iyo xiriirka labada dal.

Dhanka kale, warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warrantay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay digniin u dirtay Itoobiya, kuna wargelisay in tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal ama colaad ku wajahan Badda Cas ay si toos ah u taabanayso amniga Sucuudiga.

Wararkaasi waxay tilmaamayaan in Riyadh ay si gaar ah uga walaacsan tahay doonista Itoobiya ee marin ama joogitaan la xiriira Badda Cas, taas oo keeni karta kacsanaan amni iyo mid siyaasadeed oo gobolka ah.

Sucuudiga ayaa la sheegayaa inuu ku baaqay xasillooni, wada-hadal, iyo ka fogaansho tallaabooyin halis gelin kara amniga Badda Cas, maadaama ay tahay marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo amniga caalamiga ah.