Tuesday, February 3, 2026
Home NEWS Puntland oo saaka xukun dil ah ku fulineysa hooyo heysata 13 caruur...

Puntland oo saaka xukun dil ah ku fulineysa hooyo heysata 13 caruur ah

85

Feb 03(Jowhar)-Hodan Maxamuud Diiriye ayaa saaka lagu fulinayaa xukun dil toogasho ah, kaasoo ka dhacaya fagaare ku yaalla Gaalkacyo.

Arrintan ayaa timid kadib markii Maxkamadda Darajada 1aad ee Gaalkacyo (Puntland) ay ku heshay inay dishay Saabiriin Saylaan Cabdille oo 14 jir ahayd.

Xukunka dilka ayaa la riday 24-kii November, waxaana fulintiisa amray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland kadib codsi ka yimid Xeer Ilaaliyaha Guud, maadaama aan rafcaan laga qaadan.

Fulinta xukunka ayaa lagu sheegay inay ka dhaceyso isla goobtii horey loogu fulin jiray xukunnada noocan ah, iyadoo ay fulinayaan dhaxlayaasha marxuumadda.

Arrintan ayaa dhalisay aragtiyo is khilaafsan: qaar ayaa bogaadinaya, halka kuwo kalena ka walaacsan yihiin masiirka 13 carruur ah oo ay Hodan hooyo u ahayd.