Feb 04(Jowhar)-Dr. Maryan Qaasim ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, kaddib doorasho ka dhacday caasimadda Muqdisho.
Dr. Maryan Qaasim waa dhakhtarad iyo siyaasi khibrad dheer u leh adeegga bulshada iyo maamulka dowladda. Waxay shahaadada Dhakhtarnimada (Medicine & Surgery) ka qaadatay Jaamacaddii Qaranka Soomaaliyeed sanadkii 1983, halka ay sidoo kale ka heshay Master’s in Public Health Jaamacadda Warwick ee dalka UK.
Takhasus ahaan waxay ku shaqeysay Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka (Obstetrics & Gynaecology).
Dhanka xilalka dowladda, Dr. Maryan Qaasim waxay soo qabatay dhowr jago oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin.
Wasiirka Horumarinta Haweenka & Arrimaha Qoyska intii u dhaxaysay 2010–2011.
Wasiirka Horumarinta Bani’aadanka & Adeegyada Dadweynaha intii u dhaxaysay 2012–2014, xilli ay masuul ka ahayd arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka Arrimaha Bani’aadannimada & Maareynta Masiibooyinka sanadkii 2017.
Doorashadeeda Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa timid xilli dalka uu wajahayo caqabado la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ay sheegeen in ay tahay qof leh waayo-aragnimo dheer iyo karti hoggaamineed.
Khudbad kooban oo ay jeedisay kaddib doorashada, Dr. Maryan Qaasim ayaa sheegtay in ay mudnaan siin doonto xoojinta ilaalinta xuquuqul insaanka, madaxbannaanida guddiga, iyo difaaca xuquuqda haweenka, carruurta iyo dadka nugul.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa soo dhaweeyay doorashadeeda, iyagoo muujiyay rajo ah in hoggaankeeda cusub uu horseedi doono horumar la taaban karo oo laga gaaro arrimaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.










