Jul 27 (Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas ii si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah inuu halkaas uu kaga qeyb-galo Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka, kaas oo ay ka qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis-Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abbi Ahmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka.
Addis kahor, madaxweyne Xasan waxa uu socsaal kusoo maray dalka Jabuuti oo uu kula
Soo kulmay madaxweyne Geelle.