Feb 06(Jowhar)-Wafdiyada wada hadalada ee Iran & Mareykanka ayaa gaaray magaalada Muscat, Cumaan, halkaas oo la filayo in ay ka furmaan wada xaajood ay garwadeen ka tahay dawladda Oman, dhinaca USna ay kasocdaan ergayga Maraykanka Steve Witkoff.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa kahor wada hadalka sheegay in Tehran ay wada-xaajoodka ku galayso “Si feejignaan leh oo indho furan iyo xusuus adag”, isagoo adkeeyey in heshiis kasta uu ku dhisnaan karro simnaan, ixtiraam labada dhinac ah iyo fulinta ballan-qaadyada.
Laakiin xiisaddu dagaal way sarreysaa. Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay inay si degdeg ah uga baxaan Iran, iyagoo ka digaya marxaladda. Isla waqtigan, diyaaradaha Maraykanka ayaa dhaqdhaqaaq milateri ka wada gobolka, taasoo muujinaysa in Washington ay miiska la tagayso cadaadis militari.
Wada hadalladan Oman ayaa noqon kara fursaddii ugu dambeysay ee lagu yareeyo khilaafka nukliyeerka iyo xiisadaha gobolka, balse kala fogaanta mowqifyada labada dhinac ayaa weli muuqata.










