Sunday, February 8, 2026
Home NEWS El-Sisi:Aqoonsiga qayb ka mid ah Soomaaliya waxay halis u tahay xasilloonida G.Afrika

El-Sisi:Aqoonsiga qayb ka mid ah Soomaaliya waxay halis u tahay xasilloonida G.Afrika

84

Feb 08 (Jowhar)-Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa Axadii mar kale xaqiijiyay diidmada Masar ee ku aadan ficil kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib kulan uu magaalada Qaahira kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

El-Sisi waxa uu carabka ku adkeeyay in Masar ay aqoonsan tahay madax banaanida Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tilaabada ay qaaday Isra’il mid si cad u jabinaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha Masar waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aqoonsigaasi uu dhigayo tusaale khatar ah oo khatar gelinaya xasiloonida Geeska Afrika oo dhan.

El-Sisi waxa uu ku celiyay taageerada adag ee Masar ay siinayso midnimada, amniga, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo diidmada tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.

Bishii Disembar, Israa’iil waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo qaar badan oo ka mid ah dalalka Carabta iyo gobolka ayaa cambaareeyay tallaabadan.

Masar iyo 20 dal oo kale ayaa soo saaray bayaan wadajir ah, oo ay weheliyaan OIC si ay uga digaan tallaabada saameynta halista ah ee nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo sidoo kale saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida caalamiga ah.