Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Axmed Madoobe iyo Deni oo kusoo wajahan Muqdisho iyo ciidankooda oo soo...

Axmed Madoobe iyo Deni oo kusoo wajahan Muqdisho iyo ciidankooda oo soo gaaray

65

Feb 10(Jowhar)-Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa maanta gelinka danbe soo gaaraya magaalada Muqdisho, halkaasoo qaban qaabada lagu soo dhaweynayo ay ka socoto.

Ciidamadda labada madaxweyne ayaa soo gaaray garoonka Aden Cadde xiligan, kuwaasoo loo galbinayo halka la dajinayo madaxda oo ah gudaha xerada Xalane.

Sida qorshuhu yahay, gelinka danbe ee beri ayuu furmayaa shirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasoo looga hadli doono Doorashooyinka, Dastuurka, Amaanka, Abaaraha iyo Midnimada dalka.

Lama oga sida heshiis uga gaari karaan shirkan labada dhinac, maadaama mowqifyo kala fog ay kala taagan yihiin.