Wednesday, February 11, 2026
Home NEWS Caqabado hareeyay shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka ee Muqdisho

Caqabado hareeyay shirka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka ee Muqdisho

100

Feb 11(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in durba ay caqabado hareeyeen shirka mucaaradka iyo dowladda ee la filayo inuu beri ka furmo magaalada Muqdisho.

Inkastoo madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo dhamaan xubnaha Golaha Mustaqbalka ay caadimadda wada joogaan hadana waxey labada dhinac wali isku mari la’yihiin halka shirka lagu qabanayo.

Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ayaa ku adkeysaneya in shirka uu kadhoco Aqalka Madaxtooyada, halka mucaaradka ay dalbanayaan in la isugu tago gudaha Xalane oo halkaasi ay tahay meeo dhex dhexaad ah.

Wadahadalo hoose ayaa socda, waxey a wararka qaar sheegayaan in madaxweynaha uu kala fur furia ku bilaabay mucaaradka oo marka laga reebo Axmed Madoobe ay doonayaan inaan furaadan la dayacin oo madaxtooyada la aado.

Madaxweynaha ayaa Sabtida ama Jimcaha u safraya Addis-ababa oo uu uga soo qeyb galayo shirkii 39-aad ee madaxda Midowga Afrika, wuxuuna heystaa fursad ah in beri ama Jimcaha shirka furmo.