Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Inkabadan boqol malyan oo ruux oo maanta doorasho u dareerey

Inkabadan boqol malyan oo ruux oo maanta doorasho u dareerey

86

Feb 12(Jowhar)-Shacabka dalka Bangladesh ayaa saaka u dareerey doorasho iyadoo ay xaqu leeyihiin inay codeeyaan dad gaaraya 127 milyan oo qof,kadib markii kacdoon ardaydu hogaaminayeen xilka lagaga tuuray hogaamiyihii muddada dheer Sheekh Hasina bishii Agoosto 2024.
Codbixintan ayaa ah tartan toos ah oo u dhexeeya xisbiga wadaniga ah ee Bangladesh (BNP) iyo isbahaysiga Jamaat-e-Islami oo ay hogaaminayaan 11 xisbi, oo ay ku jiraan National Citizens Party (NCP), oo ay samaysteen dhalinyaro firfircooni ah oo gacan weyn ka geystay sidii Hasina looga saari lahaa.

Musuqmaasuqa, sicir-bararka, shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa ah arrimaha ugu waaweyn ee lagu go’aaminayo doorashada dalka siddeedaad ee adduunka ugu dadka badan.

Doorashada baarlamaanka ka sokow, waddanku waxa uu qabanayaa afti loo qaadayo Axdiga Qaranka ee 2025 – dukumeenti ay diyaarisay dawladdii ku meel gaarka ahayd ee uu hoggaaminayey Muxammad Yunus, kaas oo asaas u ah dawladnimada mustaqbalka.

Xisbiga ugu weyn ee Islaamiga ah ee dalka ayaa markii ugu horreysay door muuqda ka qaadanaya doorasho guud, waxaana doorashada laga mamnuucay inuu ka qeyb-galo xisbiga Awami League.

Doorashadani waxay sidoo kale tijaabo u noqon doontaa in dib-u-soo-kabashada dimuqraadiyadeed ee dal muddo sanado ah la daalaa dhacayay qalalaase siyaasadeed iyo xasillooni darro.