Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Madaxweyne Ruto oo Ku Dhawaaqay Dib-u-furista Xadka Mandheera

Madaxweyne Ruto oo Ku Dhawaaqay Dib-u-furista Xadka Mandheera

66

Feb 12(Jowhar)-Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo nolosha iyo dhaqaalaha bulshada ku dhaqan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo shaaciyay in bisha Abriil dib loo furi doono xadka Mandheera.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid dib loogu soo celinayo xiriirkii bulsho iyo isku-socodkii ganacsi ee soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay dadka ku nool labada dhinac ee xadka. Qoraal uu baahiyay ayuu ku adkeeyay muhiimadda ay arrintani u leedahay wada noolaanshaha iyo kobaca dhaqaalaha.

“Tallaabadan ayaa ujeeddadeedu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii bulsho iyo isku-socodkii ganacsi ee ka dhaxeeyay dadka walaalaha ah ee labada dhinac, si loo xoojiyo barwaaqada wadajirka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Dib-u-furista xadka Mandheera ayaa la filayaa inay saameyn togan ku yeelato ganacsiga xuduudaha, isku-socodka dadka, iyo xiriirka bulsho ee labada dal, gaar ahaan bulshada si dhow isugu xiran ee ku nool gobolkaas.

Go’aankan ayaa imanaya xilli dadaallo kala duwan ay socdaan oo lagu xoojinayo amniga, iskaashiga gobolka, iyo fududeynta isu socodka ganacsiga Bariga Afrika. Dad badan oo ku dhaqan xadka ayaa muddooyinkii dambe wajahayay caqabado la xiriira xirnaanshaha xadka, taasoo saameysay dhaqaalaha iyo nolol maalmeedkooda.