Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Howlgalkii ICE ay ka waday Minnesota oo la soo gabagabeynayo

Howlgalkii ICE ay ka waday Minnesota oo la soo gabagabeynayo

77

Feb 12(Jowhar)-Madaxa howlgalka ciidamada socdaalka ee ka socda Minnesota , Tom Homan, ayaa sheegay in howlgalkii weynaa ee Minnesota uu dhamaaday.
Howlgalkaan ayaa mudadii uu socday waxaa ay ciidamada ICE ku dileen 2 ruux halka ay xabsiga u taxaabaan dad gaaraya afar kun oo ruux.

Tom Homan ayaa goor dhow shir jaraa’id ka sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ogolaaday codsigiisa in la soo afjaro howshan.

Homan ayaa wariyeyaasha u sheegay in uu sii joogi doono Minnesota muddo gaaban si uu u kormeero sidii howlgalku uu guul ugu soo dhamaan lahaa.Howlgalkii, oo loo yaqaanay Operation Metro Surge, ayaa la geeyey in ka badan kumanaan ciidanka socdaal bilowgii December, taasoo dhalisay mudaaharaadyo baahsan kadib markii labada muwaadin Mareykan ah lagu dilay toogashooyin ay fuliyeen wakiillo federaal ah.