Feb 14(Jowhar)-Warar aan helnay ayaa sheegaya Maalinta Barito ah oo Axada 15 Febraayo uu Magaalada Muqdisho Kusoo wajahanyahay markabkii ugu horreeyay ee sahaminta qodista Shidaalka.
Markabka Çağrı bey ee qodista shidaalka ayaa maanta u dhoofi doona Soomaaliya si maalinta Axadda si u gaaro Soomaaliya.
Munaasabad lagu sagootinayo oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka socota magaalada Mersin oo ay ka qeyb galayaan Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar iyo sidoo kale Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire oo lagu soo sagootinayo Markanka.










