Saturday, February 21, 2026
Home NEWS WFP oo ka digtey inay joojiso gargaarka Soomaaliya bisha April

WFP oo ka digtey inay joojiso gargaarka Soomaaliya bisha April

68

Feb 21(Jowhar)-Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya ayaa ka digtey inay joojiso bisha Abriil ee sanadkan gargaarka degdegga ah ee cuntada iyo nafaqeynta ee ay bixiso bisha Abriil sabab dhaqaale awgeed.

Warbixin ay soo saartay Jimcihii, ayay WFP uga digtay in dalku uu wajahayo mid ka mid ah dhibaatooyinka gaajadda ee ugu adag sannadihii u dambeeyay,taasoo ay sababeen laba xilli roobaad oo xiriir ah oo baaqday, colaado iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqaalihii bini’aadantinimo.

Digniintan ayaa timid iyadoo ugu yaraan 4.4 milyan oo qof, oo qiyaastii rubuc ka mid ah dadweynaha, ay wajahayaan   yari  waxaana ka mid ah ku jiraan ku dhawaad ​​hal milyan oo haween, rag iyo carruur ah oo ay soo food saartay gaajo daran, sida ay sheegtay xogta WFP.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka cimiladu u nugul yihiin, ayaa waxaa soo ku soo noqnoqday abaaro iyo fatahaado.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo mid kale oo bishii hore soo saartay Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn, oo loo yaqaan magaceeda la soo gaabiyo Faransiiska, MSF.