Sunday, February 22, 2026
Home NEWS Nin doonayay inuu weeraro guri uu leeyahay Trump oo la diley

Nin doonayay inuu weeraro guri uu leeyahay Trump oo la diley

143

Feb 22(Jowhar)-Waaxda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegtay in ay ciidamadooda dileen nin doonayay inuu gudaha u soo galo guriga uu ku leeyahay madaxweynaha Maraykanka goobta loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago ee Florida.
Ninkan oo 20-jir ah, ayaa u muuqday inuu watay qori iyo gasac laga soo buuxiyay shidaal sida uu sheegay madaxa isgaarsiinta ee waaxda sirdoonka Maraykanka Anthony Guglielmi.
Madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuusan joogin xilligii dilkan dhacayay xaruntiisa Mar-a-Lago ee Florida isagoo magaalada Washington.

Guglielmi waxa uu sheegay in wakiilada sirdoonka iyo ku xigeen ka socda Xafiiska Sheriff ee Degmada Palm Beach ay ka horyimaadeen shaqsiga hubaysan, kaas oo aan wali la shaacin aqoonsigiisa, ka dib markii uu ku soo dhawaaday albaabka woqooyi ee Mar-a-Lago.

Shaqsiga ayaa la sheegay inuu dhintay ka dib markii ay toogteen saraakiisha ciidamada.
Maraykanka ayaa wajahaya weeraro lagu beegsado siyaasiyiinta, Sannadkii 2024-kii, Trump waxa uu la kulmay laba isku day dil, oo uu ku jiro mid ka dhacay goobtiisa Golf-ka ee West Palm Beach.

Sidoo kale Melissa Hortman, oo ahayd xildhibaanad laga soo doorto gobolka Dimuqraadiga ee Minnesota, ayaa la toogtay bishii Juun 2025 iyada iyo ninkeeda