Monday, February 23, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

108

Feb 23(Jowhar)-Madaxweynaha DowladGoboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtaymagaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland, kadib markii uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday wadahadalladii u dhaxeeyay Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa degenaa hotel ku dhex yaal garoonka diyaaradaha Aden Cadde iyadoo weli uu ku sugan yahay caasimada dalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

War Saxaafadeed ka soo baxay golaha la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay shirkii u dhexeeyay dowlada federalka iyo golaha uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.