Feb 25(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku soo xiraya kulamadoodii siyaasadeed ee ka socday Aiprort Hotel, ka dib fashilkii shirkii dhexmaray Golaha iyo Villa Somalia. Kulankooda ugu dambeeya ayaa lagu wadaa in uu barqanimada maanta ka dhaco gudaha Xalane, iyadoo lagu eegayo jihada mustaqbalka wada-hadallada siyaasadeed.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa dib ugu laaban doona Garowe, kadib in ka badan laba toddobaad oo ay Muqdisho u joogeen wada-hadallada ku aaddan doorashooyinka dalka.
Beesha Caalamka ayaa muujisay niyad-jabkeeda ku aaddan in aan la gaarin wax heshiis ah, waxayna ballan qaaday in ay sii wadi doonto taageerada wada-hadallada si loo xaqiijiyo hanaan doorasho oo lagu heshiiyo.
Dhanka kale, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah ayaa si cad uga xumaaday burburka shirka, iyagoo tilmaamay in fursad muhiim ah oo lagu xalin lahaa khilaafka doorashooyinka la qasaariyay, inkastoo ay jiraan dadaalo weli socda oo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo waara.










