Feb 26(Jowhar)-Xubnaha Golaha Mustaqbalka (GMS) ayaa lagu wadaa inay maalinta Jimcaha ee berri qabtaan kulan-weyne guud oo ay isugu imaanayaan dhammaan xubnaha golaha.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, haddana wararka laga helayo ilo ku dhow golaha ayaa tilmaamaya in kulanka diiradda lagu saari doono arrimo siyaasadeed iyo jihada xigta ee golaha, gaar ahaan ka dib shirkii dhawaan fashilmay ee ay la yeesheen Dowladda Federaalka ah. Kulanka ayaa sidoo kale la filayaa in goluhu kula hadlo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku samaystaan ballamo iyo is-afgaradyo cusub.
Dhinaca kale, kulanka ayaa lagu tilmaamay mid is-macasalaameyn ah, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu Sabtida dib ugu laabto magaalada Garoowe. Xubnaha kale ee golaha ayaa intooda badan la qorsheynayaa inay safarro uga baxaan dalka si ay qoysaskooda ula soo ciideystaan.
Kulankan ayaa imanaya xilli si weyn isha loogu hayo tallaabooyinka siyaasadeed ee xiga ee Golaha Mustaqbalka.










