Sunday, March 1, 2026
Home NEWS Iran oo si kumeel gaar ah ugu magacawday Alireza Arafi Hogaamiyaha Iran

Iran oo si kumeel gaar ah ugu magacawday Alireza Arafi Hogaamiyaha Iran

114
علیرضا اعرافی

Mar 01(Jowhar)-Alireza Arafi ayaa loo magacaabay inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee kumeelgaarka ah ee Iraan,isagoo buuxin doono doorka hoggaamiyaha ugu sarreeya ilaa Golaha Khubarada ay dooranayaan hoggaamiye cusub.

Maamulka Iran ayaa u doortay Ayatollah Alireza Carafi, oo ah  wadaad ah oo ka tirsan Golaha Ilaalada, si uu ugu shaqeeyo Golaha Hoggaanka ku meel gaarka ah ee Iran, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee ISNA.

Mohsen Dehnavi, oo ah af hayeenka Golaha Fahamka Fiican ee Iran, ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay  warbaahinta bulshada   X in magacaabista loo sameeyay si waafaqsan qodobka 111 ee dastuurka Iran.

Waxa uu sharraxay in ilaa laga dooranayo hoggaamiye sare oo cusub, in la sameeyo Golaha Hoggaaminta ku meel gaarka ah ee ka kooban madaxweynaha dalka (Masoud Pezeshkian), madaxa garsoorka, iyo hal xubin oo wadaad ah oo ka tirsan Golaha Ilaalada.

Dehnavi wuxuu intaa ku daray in goluhu u doortay Arafi inuu noqdo wakiilkiisa   si loo hubiyo sii wadida hogaaminta iyadoo golaha khubaradu ay sii wadaan xulashada hogaamiye joogto ah sida ugu dhakhsaha badan.

Iran ayaa xaqiijisay dhimashada hogaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei iyo dhowr sarkaal oo sarsare oo ka tirsan weerarada Israel iyo Mareykanka ay ku qaadeen dalkaasi.