Monday, March 2, 2026
Home NEWS Wararkii u danbeeyay dagaalka Israel iyo Mareykanka ku qaadeen Iiraan iyo Qarxyo...

Wararkii u danbeeyay dagaalka Israel iyo Mareykanka ku qaadeen Iiraan iyo Qarxyo cusub

164

Mar 02(Jowhar)-Israel: Qaraxyo culus ayaa laga maqlay bartamaha Israa’iil. Taliska Ciidanka Israel ayaa sheegay in qiimeyn xaaladeed lala yeeshay hoggaanka kaddib gantaallo laga soo tuuray Lubnaan. Qorshaha weerarrada marxaladaha xiga waa la ansixiyay.

Xuduudda Waqooyi: Israel waxay ku eedeysay Xisbullah masuuliyadda kororka xiisadda, waxayna sheegtay in hawlgal ballaaran (“Roaring Lion”) uu miiska saaran yahay. Gantaallo qaar ayaa ku dhacay meelo furan, digniinna ma kicin.

Amaan: Taliska Israa’iil wuxuu ku celiyay in cid kasta oo halis gelisa ammaanka laga jawaabi doono, isla markaana aan la oggolaan doonin waxyeello loo geysto shacabka.

Maraykanka / Iiraan: War kasoo baxay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in Weerarrada ka dhanka ah Iiraan ay sii socon karaan 4–5 toddobaad haddii loo baahdo, iyadoo Pentagon-ku xaqiijiyay in awood iyo hub ku filan la diyaariyay.