Monday, March 2, 2026
Home NEWS Gudoonka labada Aqal ee BFS oo amray laamaha amaanka in xildhibaan safri...

Gudoonka labada Aqal ee BFS oo amray laamaha amaanka in xildhibaan safri karo jirin

201

Mar 02(Jowhar)-Qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ee shalay dib loogu soo celiyay Muqdisho, kuwaas oo qorsheynayay inay saakay mar kale safraan, ayaa sheegay in laga hor istaagay inay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Xildhibaannada oo ku sugnaa garoonka ayaa noo xaqiijiyay in laamaha ammaanka iyo shirkadihii diyaaradaha ee ay raaci lahaayeen lagu wargeliyay amar ka soo baxay Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Amarkaasi ayaa lagu faray hay’adaha ammaanka in aan Garoonka Muqdisho laga dhoofin karin xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka iyo wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee xildhibaanada ah.

Xildhibaanno aan la hadalnay ayaa sheegay in xitaa diyaaradaha loo sheegay inaysan qaadi karin mas’uuliyiintaasi, taas oo keentay in safarkoodii hakad galo.

Xildhibaannada ayaa tilmaamay inay hadda qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan hoteellada ay ka degan yihiin Muqdisho, maadaama aan loo oggolaan inay safraan.

Lama oga weli sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan iyo muddada uu socon doono, hase yeeshee arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.