Mar 02(Jowhar)-Qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo aan la sheegin noocooda ayaa ku soo dhacay magaalada Kuwait ee dalka Kuwait.
Wasaaradda Difaaca Kuwait ayaa sheegtay in dhowr diyaaradood oo militariga Mareykanka ah ay burbureen Isniintii iyo in dhammaan shaqaalihii diyaaradda ay badbaadeen.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii muuqaalo uu baahiyay CNN-ku ay muujinayeen diyaarad dagaal oo ku burburaysa Kuwait iyo duuliye baarashuut ku soo degeya.
Mid ka mid ah duuliyaasha diyaarada ayaa la soo sawirey isagoo qori ku hubeysan balse aad u cabsanaya kadib markii dad rayid ah ay u yimaadeen oo ay sawiro ka qaadeen.
Duuliyahaa ayaa la saaray markii dambe qeybta dambe ee baabuur yar kahor inta aysan ciidamo boolis ah soo gaarin.










