Mar 04(Jowhar)-Weerar diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ah ayaa lagu qaaday xero taageero saadka ah oo ay leedahay safaaradda Maraykanka kuna taalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Baqdaad, sida uu sheegay weriye ka tirsan Al Jazeera.
Waaxda arrimaha dibada ee Mareykanka & safaaradda US ee Riyadh ayaa oggolaaday in shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda ay ka baxaan Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay inay jiraan hanjabaado gantaallo iyo drones oo laga cabsi qabo inay beegsadaan dalka.
Wargeyska Isra`il Hayom ayaa sheegay in 3 gantaal lagu riday bartamaha Israa’iil duqeyntii ugu dambeysay.
Dhanka siyaasadda gudaha Iiraan, Mehr News Agency ayaa soo xigatay xubin ka tirsan Golaha Khubarada oo sheegay in Iiraan ay ku dhowdahay doorashada hoggaamiye cusub oo beddeli doona Ali Khamenei.
Sidoo kale, wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad drone ah oo ku wajahneyd gobolka bari ee Sacuudi Carabiya.










