Mar 04(Jowhar)-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xalay weeraray Airport Hoteel kadibna la baxay Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Siciid Deni ayaa ugu danbeyntii goordhow iska sii daayey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Xoosh ayaa mas’uulkan xabsiga kasoo daayay, kaasoo geeyay Airport Hotel oo ah halka markii hore laga kaxeystay.
Mucaaradka dalka ayaa ka digay cawaawibka ka dhalan kara xarriga Hure, taasoo keentay inuu dib xoriyadiisa u helo.
Booliiska Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in ay si muuqata ugu dhex milmeen arrimaha Siyaasadda iyo Khilaafaadka Doorashadda ee Mucaaradka iyo Dowladda u dhaxeeya.










