Mar 05(Jowhar)-Xildhibaanada ka soo jeeda deegaannada Puntland ee dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xayirtay magaalada Muqdisho, ayaa saaka u amba baxaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Xildhibaanadan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Airport Hotel ee Muqdisho, kadib markii la sheegay in loo diiday inay ka safraan caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay ugu dambeyn u ogolaatay inay safraan, kaddib markii shakay Xildhibaanada iyo Senatorrada Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka.
Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in magaalada Garoowe ay ka socoto qabanqaabada soo dhoweynta Xildhibaanadan.
Marka ay gaaraan Garoowe, waxaa la filayaa inay kulan wadatashi ah la yeeshaan Madaxweynaha Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, ka dibna ay qaataan go’aan kama dambeys ah.










