Wednesday, November 11, 2026
Home NEWS Maxoow aha shirki dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Abiy axmad

Maxoow aha shirki dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Abiy axmad

2

Nov 11 (Jowhar)- Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Abiy Axmed Cali, iyadoo kulanku ka dhacayay dhinaca Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31).

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha ay labada dhinac danaynayaan, oo ay ka mid tahay amniga gobolka, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta barwaaqo-sooranka wadajirka ah.

Labada hoggaamiye ee Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed Cali ayaa si gaar ah uga hadlay amaanka gobalka gees ah afrika ee aan ku nool nahay sidii nabad warta uga hergeli laheeyd qilafyada jirana lagu dhameen laha wada hadal iyo is fahan buuxa.