Thursday, March 12, 2026
Home NEWS Cabsi laga qabo weeraro Drone ah oo Iran ay ka fuliso gudaha...

Cabsi laga qabo weeraro Drone ah oo Iran ay ka fuliso gudaha Mareykanka

0

Mar 12(Jowhar)-FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro ay fuliso Iran, iyadoo  soo direysa diyaarado aan duuliye lahayn (drones) marka dagaalku bilowdo.

Digniin la soo saaray dhammaadkii Febraayo ayay hay’addu ku sheegtay in Tehran ay ku aargudan karto weerarrada Mareykanka iyadoo beegsan karta xarumo ku yaala gudaha Mareykanka.

Qoraal loo diray Waaxyaha booliska ee California oo ay warbaahinta Mareykanku faafiyeen ayaa waxaa ku qornaa “weerar lama filaan ah oo lagu fulin karo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo laga soo ridi karo markab aan la aqoonsan oo ku sugan xeebaha Mareykanka, laguna beegsan karo bartilmaameedyo aan si gaar ah loo cayimin oo ku yaalla gobolka,” sidaas waxaa sheegtay ABC News.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta u sheegay wariyeyaasha inuusan ka walaacsanayn weerarro ay Iran taageerto oo ka dhaca gudaha Mareykanka.

Inkastoo aan la ogeyn sida Iran u fulin karto weerar noocaas ah, haddana Ruushka ayaa bilihii la soo dhaafay lagu eedeeyay inuu isticmaalo maraakiibtiisa qarsoon ee qaada shidaalka si uu uga soo tuuro drones ku wajahan kaabayaasha milatari iyo kuwa rayidka ee Yurub.