Mar 14(Jowhar)-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa galabta siideysay Sacdiyo Bajaaj iyo Qaarkamida bajaajleydii kale ee dhawaan laxiray.
Maxkamada oo saakay la horgeeyay sacdiyo iyo Xubnahan kale ayaa lagu waayay wax dambiya waxayna Maxkamadu ka beri yeeshay eedihii xeer ilaalinta iyo Booliiska.
Qaatkood oo markii lasii daayay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ineysan waxba iska badalin mowqifka ay ka taagnaayeen dhibaatooyinka loo geysto Bajaajleyda iyo sare u kaca qiimaha shidaalka, iyaoo dowladda ka dalbaday iney arrimahan wax ka qabtaan.
Si kastana, taliyaha booliska magaalada Muqdisho Macalin Mahdi ayaa dhawaan sheegay kn xarrigan dhalinyaradan maanta lasii daayay uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed, taasoo hay’adaha gatsoorka ay beeniyeen.










