Tuesday, March 17, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo

Dowladda Soomaaliya oo hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo

146

Mar 17(Jowhar)-Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay Duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii uu sii xoogaystay khilaafka ka dhexeeya Labada dhinac ee KGS iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Majirin wax duulimaad ah oo ilaa saakay aaday magaalada Baydhabo sababo la xiriira hakinta Dowladda Duulimaadyadii tagi jiray Halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kaliya loo ogol yahay in ay Baydhabo tagaan Diyaaradaha UN-KA iyo kuwa Cargowga kaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mamaulka KGS ayaa haatan waxaa soo kala dhex galay Khilaaf gaarsiisan in maamulka KG u uku dhawaaqo inuu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya