Wednesday, March 18, 2026
Home NEWS Netanyahu oo amray beegsiga hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Ali Khamenei

Netanyahu oo amray beegsiga hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Ali Khamenei

64

Mar 18(Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in uu amar ku bixiyay in bartilmaameed laga dhigto hoggaamiyaha sare ee tirsan Iran, Mojtaba Ali Khamenei, oo haatan ka mid ah dadka ugu saameynta badan nidaamka Tehran.

Netanyahu oo ka hadlayay kulan ay yeesheen golihiisa dagaalka ayaa sheegay in Israa’iil ay si dhow ula socoto dhammaan dhaqdhaqaaqyada Mojtaba Ali Khamenei, isla markaana uu hadda ka mid yahay shaqsiyaadka ay si gaar ah u baadi-goobayaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay horumar ka gaartay beegsiga xubno muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka sare ee nidaamka Iran.

Dhanka kale, Netanyahu ayaa shacabka Iran ugu baaqay inay jidadka isugu soo baxaan si ay u ridaan nidaamka hadda ka jira dalkaas, balse ilaa hadda baaqaas lama arag dad si muuqata uga falceliyay ama soo dhaweeyay.

Hadalka Netanyahu ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Iran ay sii kordhayso, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan hanjabaado iyo eedeymo.