Friday, March 20, 2026
Home NEWS Dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

Dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo

257

Mar 20 (Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo iyadoo dagaalkuna uu u dhexeeyo ciidamo taabacsan maamulka Laftagareen Iyo ciidamo ka soo horjeeda.

Dagaalka oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho Iyo dhaawac iyadoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee waxyeeladu ay ka soo gaartay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada maamulka Koofurgalbeed ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada mucaaradka ku ah maamulka Koofurgalbeed.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka ku nool magaalada Baydhabo ay soo wajahday cabsi ka dhalatay iskahorimaadyada soo noqnoqday ee ka dhacaya Baydhabo.

Wararka kale ee ka imanaya Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ahaa maamulka Laftagareen ay isaga baxeen magaalada Baraawe iyagoo doonyo ka raacay xeebta baraawe,waxayna wararku sheegayaan in ciidamadan ay gaareen magaalada Kismaayo.

Ciidamo ka mid ah kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baraawe waxyar kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii daacada u ahaa maamulka Koofurgalbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa wajahaya culeys kaga imanaya siyaasiyiinta ka soo horjeeda kadib markii dhawaan uu ku dhawaaqay inuu hakiya wada shaqeynta dowlada federalka isla markaana xayiraad ku soo rogay duulimaadyada ka tagayay caasimada dalka ee Muqdisho.

Duulimaadyadaas la hakiyay ayaa waxaa saameyn uu ku yeeshay safar uu ku tegi lahaa guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe magaalada Baydhabo.

Si kasta ha ahaatee waxaa qaar ka mid ah magaalooyin ka tirsan Koofurgalbeed ka dhacay maanta banaanbaxyo lagu taageerayo dowlada federalka isla markaana lagu diidan yahay maamulka koofurgalbeed talaabadii ay ku joojisay wada shaqeynta dowlada federalka.

Degmooyinka Xudur,Waajid,Diinsoor,Qansaxdheere,Baraawe iyo Buurhakaba oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn maamulka Koofurgalbeed ayaa waxaa haatan ku sugan siyaasiyiin ka soo horjeeda maamulkaasi isla markaana taageersan dowlada federalka soomaaliya.