Saturday, March 21, 2026
Home NEWS Madaxweyne Lafta-gareen oo lasoo baxay ciidan cusub oo Itoobiya u tababartay

Madaxweyne Lafta-gareen oo lasoo baxay ciidan cusub oo Itoobiya u tababartay

209

Mar 21(Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah Tababar ugu u soo xiray  cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed.

Cutubyadan ayaa intii uu tababarku usocday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka isagoo uga mahadceliyey Ciidanka AUSSOM gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo gacan ka gaysanaysa tababarka ciidanka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhammaan  Wasiirada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed sida ay ugarab taaganyihiin ciidamada oo utaagan ka hortaga duulanka cad ee ay kuso qaaday DFS.