Mar 22(Jowhar)-Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay in weerarro ay ka fuliyeen koonfurta Israa’iil ay ku dileen 73 ruux, isla markaana ay ku dhaawaceen ku dhowaad 200 qof. Iraan waxay sidoo kale sheegtay in weerarradaas ay curyaamiyeen qaar ka mid ah nidaamyada difaaca ee Israa’iil.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa soo saartay tiro ka duwan, iyadoo sheegtay in qiyaastii 140 qof oo keliya ay ku dhaawacmeen weerarka, balse aysan xaqiijin tirada dhimashada ee ay Iran sheegtay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu gaaray qolka howlgalka degdegga ah, halkaas oo uu ka hagayo jawaabta iyo gurmadka la xiriira xaaladda ka dhalatay weerarrada ka dhacay Dimona iyo Arad.
Magaalada Dimona ayaa si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay ku taallo xarumo la xiriira barnaamijka nukliyeerka Israa’iil, taas oo ka dhigaysa goob istaraatiiji ah oo si weyn loo ilaaliyo.









