Mar 22(Jowhar)-Dr. Ali Faqi oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Saanad milateri oo ay hore u siisay dowladda Masar Soomaaliya looguna talagalay difaaca qaranka iyo la dagaallanka Argagixisada, hadda loo adeegsanayo khilaafka Koonfur Galbeed iyo duminta maamulka, iyadoo lagu hubeynayo ciidamo lays kugu geeyey Burhakaba, taas oo uu sheegay in ay halis tahay.
Wuxuu tilmaamay in arrintan ay ka hor imaanayso ujeeddadii hubka loo keenay, isla markaana ay kordhinayso khatarta in DFS hub lagu aamino ah, kala qaybsanaanta, iyo halista shacabka rayidka ah.
Shalay, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hubkii ummadda Soomaaliyeed magaceeda lagu helay loo adeegsaday dano gaar ah, oo ah duminta dawlad gobaleedyada.











