Wednesday, March 25, 2026
Home NEWS Taliyihii ciidanka Milatariga ee ka howlgala Diinsoor oo xilkii laga qaaday

Taliyihii ciidanka Milatariga ee ka howlgala Diinsoor oo xilkii laga qaaday

252

Mar 25(Jowhar)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xilkii ka qaaday taliyihii ururka 154-aad ee Guutada 8,aad Qaybta 60,aad ee Ciidanka Xoogga Aadan Mohamed Nuur Afeey.

Sidoo kale Dowlada Somaliya ayaa u magacowday Taliyaha Cusub ee Ururka Mursal Cali Mohamed oo isla ururka Abaanduul ka soo ahaa.

Si kastaba, ururkaan wuxuu ka howl galaa degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koofur Galbeed, waxeyna xil ka qaadistan salka ku heysaa muranka Villa Soomaaliya iyo Koofur Galbeed.