Friday, March 27, 2026
Home NEWS Trump oo saxiixiisa uu ka soo muuqan doono lacagta Dollarka Maraykanka

Trump oo saxiixiisa uu ka soo muuqan doono lacagta Dollarka Maraykanka

143

Mar 27(Jowhar)-Hay’adda Dhaqaalaha Maraykanka ayaa shaacisay in Madaxweyaha Maraykanka Donald Trump uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee xilka dalka  Maraykanka haya oo saxiixiisu ka soo muuqdo lacagta waraaqaha ah ee dollarka Maraykanka.

Saxiixa Trump ayaa ka muuqan doona lacagta dollarka iyadoo sidoo kale saxiixa Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent, uu sidiisa u jiri doono.

Arrintan oo ah mid aan aan horay loo arag ayaa sida ay  waaxdu sheegtay inay  bilaaban doonto xuska sanad-guuradii 250-aad ee ka soo wareegatay markii Maraykanka  uu   xoriyadiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

“Ma jiro hab ka awood badan oo lagu aqoonsan karo guulaha taariikhiga ah ee dalkeenna ee Madaxweyne Donald J. Trump, marka loo eego lacagta doolarka Maraykanka ee magaciisa xambaarsan,” ayuu yiri Bessent.

Hase yeeshee sida caadiga ah lacagta waraaqaha ah ee Maraykanka waxaa ku yaalla ama ka muuqda saxiixyada mas’uuliyiinta maaliyadda.Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee maamulka uu ku doonayo in sare loogu qaado magaca Trump.

Lacagaha $100 ee ugu horreeya ee wata saxiixyada Trump iyo Bessent ayaa la daabici doonaa bisha Juun ee soo socota, iyadoo kuwo kale ay ku xigi doonaan.

Tan iyo sanadkii 1861, waxaa caado ahayd in saxiixa Treasurer-ka Maraykanka uu ka muuqdo lacagta waraaqaha ah, balse qorshahan maamulka Trump ayaa beddeli doona dhaqankaas.

Dadaal ay dowlada Maraykanka ku dooneysa in lacagta 1ka dollar ee  qadaadiicda ah lagu dhajiyo sawirka Trump ayaa waxaa dib u dhigay sharciyo mamnuucaya sawirka shakhsiyaadka nool ee qadaadiicda Mareykanka.