Mar 29(Jowhar)-Sida ay muujinayaan sawiro lahelay mid kamid ah diyaaradaha Milateriga Mareykanka ay leeyihiin, gaar ahaana ciidanka Cirka ayaa si buuxda ugu burburtay kadib weerar ay Iran ku qaaday saldhigga Prince Sultan ee ku yaalla Saudi Arabia, Gantaalada Tehrana ay si xoogan uhalakeeyeen.
Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa sheegtay in 13 kamid ah diyaaradaha Mareykanka ay waxyeelo weyn soo gaartay, iyadoo ay u badan qaadayaasha Shidaalka ee hawada diyaaradaha diriraya kusiiya, taas oo kadhigan Jabweyn oo Mareykanka kudhacaya.
102 Askari oo Mareykan ah ayaa saldhigan dhaawacyo kasoo gaareen, waana halka 2-aad ee dhaawacyada Askarta Mareykanka ay ka dhaceen, ka dib Kuwait ayaa xigsanaysa kaalinta 2-aad.
Wararka ayaa tilmaamaya in weerarka uu qeyb ka ahaa duqeymo ay Iiraan ka fulisay saldhigyo militari oo gobolka ah, iyadoo hore loo sheegay in isla saldhiggan ay waxyeello ka soo gaartay diyaarado kale oo Maraykan ah.










