Sunday, March 29, 2026
Home NEWS Madaxweyne Deni oo kulan xaaaasi ah la yeeshay Qunsulka Itoobiya iyo saraakiil...

Madaxweyne Deni oo kulan xaaaasi ah la yeeshay Qunsulka Itoobiya iyo saraakiil ciidan

207

Mar 29(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore, iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyey wafdiga Itoobiya booqashadooda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga mandaqadda. Sidoo kale, wafdiga Itoobiya ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland.