Wednesday, April 1, 2026
Home NEWS Macalin Saalax oo loo wado xilka taliyaha Nabad Sugida Koofur Galbeed

Macalin Saalax oo loo wado xilka taliyaha Nabad Sugida Koofur Galbeed

244

Apr 01(Jowhar)-Taliyaha ciidanka ilaalada Shacabka ee Nabad Sugida goblka Banadir Macalin Saalax ayaa loo wadaa xilka taliyaha Nabad Sugida maamulka Koofur Galbeee, sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan.

Macalin Saalax ayaa xalay kasoo muuqday shir ka dhacay Baydhabo oo amniga magaalada looga hadlayay, iyadoo shirkaasi uu gudoominayay Gudoomiyaha Golahq Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo shalay gaaray Baydhabo.

Saraakiil kudhow Sarkaalkan ayaa inoo sheegay in laba jeer oo hore uu Macalinka xilkan raadiyay, balae aysan u suura galin, waxaana howsha haatan wax ka wada taliyaha NISA Mahad Salaad.

Macalin Saalx oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa kamid ah saraakiisha ugu firfircoon hay’ada, waxaana lagu tiriyaa kuwa ugu shiishka dheer marka wax toogashada laga hadlayo, wuxuuna kamid yahay saraakiisha fara kutiriska ah ee lagu tixgaliyo Shiishka Hoobiyaha.