Nov 05 (Jowhar)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkaasi si diirran uu ugu soo dhoweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan ,qaar kamid ah maamulada Dowlad Goboleedyada,xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalk,saraakiil ciidan iyo hoggaamiyaasha ururada bulshada.
.Madaxweynaha ayaa magaaladaasi kaga qaybgalaya munaasabadda caleemo-saarka madaxda la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taasoo hadda ay socoto qabanqwaabadii iyo diyaargarowgii ugu dambeeyay.
Munaasabadda caleemo saarka ee maanta waxaa kaloo ka qeybgalaya marti sharaf kale oo ka kala socda gudaha dalka iyo dalalka gobolka.





