Wednesday, April 1, 2026
Home NEWS Malaayiin Carab ah oo Gaajo qarka u saaran haduu dagaalka Iran sii...

Malaayiin Carab ah oo Gaajo qarka u saaran haduu dagaalka Iran sii socdo

226

Apr 01(Jowhar)-Weeraraka ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran iyo saameynta uu ku yeeshay Bariga Dhexe ayaa si weyn u dhaawacay dalalka Carabta, iyadoo la saadaalinayo in malaayiin qof ay galaan saboolnimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay soo saartay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ayey ku sheegtay in wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha (GDP) ee gobolka la qiyaasay inuu hoos u dhici doono qiyaastii 3.7 ilaa 6 boqolkiiba hal bil gudaheed oo dagaal ah, taas oo u dhiganta hoos u dhac dhan $120 bilyan ilaa $194 bilyan.

Cabdalla Al Dardari, oo ah kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo agaasimaha xafiiska UNDP ee dalalka Carabta, ayaa sheegay in 3.7 milyan oo shaqooyin ah la waayi doono, isla markaana ku dhowaad afar milyan oo qof oo ay ku habdwn karto xaalad saboolnimo ab. Wuxuu xusay in dagaalku banaanka keenay “daciifnimada ka jirta dhaqaalaha Carabta”.

Warbixintu waxay ku salaysnayd saadaal ku saabsan “isku dhac gaaban balse aad u culus oo soconaya afar toddobaad”, taasoo muujinaysa in saameynta dagaalka — oo ay Iran ku weerartay kaabayaasha tamarta ee Khaliijka isla markaana ay ciriir gelisay dhoofinta saliidda iyo gaaska marinka Hormuz — ay sii kordhi karto haddii uu dagaalku sii dheeraado.

Warbixinta ayaa sidoo kale la soo saaray xilli qiimaha saliidda Brent uu kordhay 4.7 boqolkiiba, iyadoo uu gaaray in ka badan $118 halkii foosto, waxaa la sheegay in “halista marinnada badda ee istaraatiijiga ah” ay keentay saameyn deg deg ah oo dhalisa sicir-bararka, ganacsiga, iyo silsiladaha sahayda caalamka, taasoo dhaawici karta nolol-maalmeedka dalalka Bariga Dhexe ee dhaqaale ahaan isku xiran.

Waxay intaa ku dartay in kororka saboolnimadu uu si gaar ah uga muuqdo dalalka nugul sida Suudaan iyo Yemen, halkaas oo nuglaanta hore ay sareyso, isla markaana dhibaatooyinka dhaqaale ay si toos ah u saameeyaan nolosha dadka.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Lubnaan si gaar ah u saameysay, kadib markii ay ku lug yeelatay dagaalka, iyadoo Xisbullah ay weerartay Israa’iil si ay uga jawaabto dilkii ay Maraykanka iyo Israa’iil u geysteen hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei 28-kii Febraayo. Duqeymaha cirka ee socda iyo amarada daadgureynta ayaa horey u sababay burbur ballaaran oo ku dhacay guryaha, kaabayaasha gaadiidka, iyo adeegyada dadweynaha, iyo sidoo kale barakac ballaaran.