Apr 02(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ayaa yeelanaya dhawaan kulan ay uga hadlayaan godgodaanka siyaasadda dalka ee hadda jirta, waxayna wada hadaladooda hordhac u yihiin kulan la qorsheynaya in bartamaha bishan uu gudaha dalka ka dhaco, kaas oo looga hadlayo nooca dawladnimada ilaa doorashooyinka, xili mudo xileedka baarlamaanka 11aad uu gabaabsi yahay.
Hoggaamiyayaasha golahan kujira ayaa wali mawqif cad ka qaadan, sida loo maareynayo marxaladda kala guurka iyo wajihida mashruucyada madaxtooyada Soomaaliya ee doonista doorashooyin Toos ah.
Qaar kamid ah xubnahan ayaa mudooyinkii u dambeeyey kusugnaa caasumadaha dalalka deriska la ah Soomaaliya, iyagoo halkaas kula lahaa wada hadalo ay ku gorfeynayaan taaganta, iyadoo timaadada hadda ka hadalkeda uu yar-yahay.










