Tuesday, April 7, 2026
Home NEWS Trump oo ka fiirsanaya dib u dhigista weerarro ka dhan ah Iiraan

Trump oo ka fiirsanaya dib u dhigista weerarro ka dhan ah Iiraan

126

Apr 07(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa la sheegay inuu ka fiirsanayo dib u dhigista weerarro militari oo lagu beegsan lahaa kaabayaasha Iiraan, haddii ay muuqdaan calaamado dhab ah oo muujinaya in xal diblumaasiyadeed la gaari karo. Warbixintan ayaa waxaa baahisay shabakadda Axios.

Wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Trump uu eegayo suurtagalnimada wadahadal, inkasta oo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay weli tahay mid kacsan.

Maalmihii u dambeeyay, Madaxweyne Trump ayaa si kulul uga hadlay Iiraan, isaga oo adeegsaday hadallo adag oo ka baxsan xeyndaabka diblumaasiyadda, isla markaana jeediyay hanjabaado cad. Si kastaba ha ahaatee, hadalladaasi wax weyn kama aysan bedelin xaaladda taagan, gaar ahaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, oo weli ah goob xasaasi ah oo saameyn weyn ku leh ganacsiga shidaalka caalamka.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabo kasta oo militari ay kordhin karto xiisadda gobolka, halka dadaallada diblumaasiyadeed ay fursad siin karaan in la yareeyo isku dhaca.