Wednesday, April 8, 2026
Home NEWS Shariifka, Khayre, Rooble iyo CCW oo ku shiraya Nairobi

Shariifka, Khayre, Rooble iyo CCW oo ku shiraya Nairobi

159

Apr 08(Jowhar)-Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in maalinta berri ah uu shir muhiim ah uga furmi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya siyaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa la sheegay in ay isugu imaanayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saarayo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida ay uga falcelinayaan hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa la filayaa in lagu gorfeeyo arrimo la xiriira awood-qaybsiga iyo doorka ciidamada.

Dhammaan siyaasiyiintan ayaa kasoo jeeda beesha Hawiye, arrintaas oo lagu tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta isbahaysiyada siyaasadeed ee soo socda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in marka uu kulankani soo idlaado, la filayo in mas’uuliyiintan ay u safraan magaalada Muqdisho, si ay uga sii wadaan wada-tashiyo dheeraad ah.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada lagu sheegay kulankan.