Friday, April 10, 2026
Home NEWS Shacabka Jabuuti oo u dareerey maanta doorasho Madaxweyne

Shacabka Jabuuti oo u dareerey maanta doorasho Madaxweyne

62

Apr 10(Jowhar)- Shacabka dalka Jabuuti ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha xiga, iyadoo hogaamiyaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle uu markale ku guuleysto doorashada.
In ka badan 256,000 oo codbixiye ayaa xaq u leh inay codkooda dhiibtaan doorashada oo u dhaxaysa Geelle oo 78 jir ah iyo ninka kaliye ee ka soo horjeeda, Maxamed Faarax Samatar,oo ah hogaamiyaha xisbiga CDU, oo aan xildhibaano ku lahayn baarlamaanka dalka Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Gelle oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Jabuut, iyadoo tirada guud ee dadka ku nool dadka lagu qiyaasayyo hal milyan.

Dhowr hay’adood oo caalami ah ayaa goob-joog ka ah cod bixinta kuwaas oo ay ku jiraan Midowga Afrika (AU), Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Geelle ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii waxa uu maamulayay dalka Jabuuti ee ku yaal Geeska Afrika, xilligaasoo uu xilka kala wareegay Xasan Guuleed Aptidoon oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkaai uu yeelo.

Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi sanadkii 2021 isagoo helay 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.