Monday, April 20, 2026
Home NEWS Iiraan oo xukun Daldalaad ah ku Fulisay Laba Nin oo Lagu Eedeeyay...

Iiraan oo xukun Daldalaad ah ku Fulisay Laba Nin oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

83

Apr 20(Jowhar)Dowladda Iiraan ayaa xukun dil ah oo daldalaad ah ku fulisay laba nin oo lagu kala magacaabo Mohammad Masoum Shahi iyo Hamed Validi, kuwaas oo lagu helay eedo la xiriira basaasinimo iyo amni darro gudaha dalkaas.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Mizan, oo hoos tagta garsoorka Iiraan, labada nin ayaa lagu eedeeyay inay gacan siinayeen hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, isla markaana ay qorshaynayeen weeraro ka dhan ah gudaha dalka Iiraan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in raggan ay ka tirsanaayeen shabakad basaasiin ah oo xiriir la leh Mossad, isla markaana ay tababaro ku soo qaateen dalal deris la ah Iiraan, gaar ahaan gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq.

Maxkamadda Sare ee Iiraan ayaa ugu dambeyn ansixisay xukunka dilka ah, ka hor inta aan la fulin.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, iyadoo labada dal ay is dhaafsanayaan eedeymo la xiriira amniga iyo hawlgallada sirdoon.