Tuesday, April 21, 2026
Home NEWS Sh Shariif, Sambaloolshe iyo Mustaf Dhuxulow oo kulan uga socdo Muqdisho

Sh Shariif, Sambaloolshe iyo Mustaf Dhuxulow oo kulan uga socdo Muqdisho

225

Apr 21(Jowhar) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Dhuxuloow, iyo Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa hadda kulan xasaasi ah uga socda hoyga Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu qeyb ka yahay kulamo isdaba-joog ah oo maalmihii u dambeeyay ay lahaayeen siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo ka arrinsanaya xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in diiradda kulamadaasi ay tahay sidii mowqif mideysan looga qaadan lahaa xaaladaha cakiran ee taagan, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada gaarka ah ee laga wada hadlayo.

Faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe.