Friday, April 24, 2026
Home NEWS Inku dhow 200 dhalinyaro tahriibayaal ah oo dalka lagu soo celiyay

Inku dhow 200 dhalinyaro tahriibayaal ah oo dalka lagu soo celiyay

69

Apr 23(Jowhar)-Inkabadan 174 dhalinyaro Soomaali ah ayaa dib loogu soo celiyay dalka kadib markii maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xasan Maxamed Cali, ayaa  ku soo dhaweeyay dhalinyaradan oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaas oo soo maray xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada iyo amniga ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata.

Dib u soo celintan Muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.

Arinkaas ayaa waxa uu daba socodaa booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Dalka Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.

Howlgalka waxaa fuliyay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.
Markii ay yimaadeen Muqdisho, dadka la soo celiyay waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah, iyo taageero nafsiyeed, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo barnaamijyo dib u dhexgal bulsho si ay noloshooda dib ugu bilaabaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.