Monday, April 27, 2026
Home NEWS Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka

Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka

24

Apr 27(Jowhar)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka Drs. Maryan Qaasim iyo xubno ka tirsan Guddiga oo booqasho gogol-xaar u ah wada-shaqeyn ku soo gaaray Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa xubnaha Guddiga ugu hambaliyeeyay magacaabista iyo ansixintooda oo uu ku tilmaamay miro-dhalka dadaal muddo dheer soo socday oo lagu hawlgelinayay Guddigan oo ah mid baahi weyn loo qabo, wuxuuna ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si joogta ah ula shaqeyn doono Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Drs. Maryan Qaasim ayaa ka mahadnaqday soo-dhawaynta kal-furnaanta leh ee ay kala kulmeen Duqa Magaalada, iyadoo caddeysay in booqashadooda ay billow u tahay wada-shaqaynta ay hey’adaha dawladda la sameynayaan oo ay ku soo hormareen Maamulka Gobolka Banaadir maadaama ay Caasimaddu tahay xaruntii uu Guddigu ku hawlgalayay.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Haaruun, Xubnaha Guddiga oo ay ka mid ahaayeen Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale, Mudane Cali Cilmi, Agaasimaha Guud ee Guddiga Mudane Mustafa Maxamuud, iyo Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cabdullahi Dhaaley.